Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan: Ma jirto cid ka badbaaday shilka diyaaradda

Image
Image
Image
Image
Image

TEHRAN, Iran - Hay'adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa shaacisay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhashay diyaarad ka duushay garoonka Tehran.

War qoraal ah oo hay'addu soo saartay ayaa lagu yiri "ma muuqato fursad lagu heli karo cid badbaaday, 170 rakaab ah iyo shaqaale saarnaa way dhinteen gebigooda".

Illaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda oo timid iyaddoo ay xoogeysatay xiisada Iiraan iyo Mareykanka.

Talafishinka Qaranka Iiraan ayaa baahiyey in dhacdadaan ay la xiriirto "cilad farsamo" oo ku timid diyaaradda wax yar kadib markii ay duushay, wallow la baari doono.

Shirkadda diyaaradaha Ukraine, oo xulafo dhow la ah maamulka Donald Trump, ayaa iska leh diyaaradda oo kusii jeeda magaaladda caasimadda ah ee Kiev.

Boeing, shirkadda farsameysay diyaaradda, ayaa xustay in ay soo bandhigi doonto tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan jinsiyadaha rakaabka duulimaadka.

Shilkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa 2020, iyaddoo 2019-kii uu ahaa mid kamid ah sanadadii ugu waxyeelada badnaa shilal diyaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM