Hindiya oo dambiga ku heshay rag kufsi iyo dil u geysta gabar yar

Image

NEW DEHLI, India – Lix rag ah ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu helay dambi ah in sanadkii 2018-kii ay kufsi iyo dil u geysteen Gabar yar oo kasoo jeeda bulshada Muslimiinta falkaasi oo dhaliyey naxdin iyo xiisad salka ku haysa Diimaha.

Tacadiyadda jinsiga sida midka ka dhanka ah Dumarka oo kusii baahaya Hindiya ayaa wuxuu sababay caro guud taasoo dowlada ku qasabtay in ay soo rogtay in ragga geysta lagu xukumay dil toogasho ah.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay maxkamadda, sideeda ruux ayaa bishii Janaayo 2018-kii Inanta yar oo 10-jir ah waxay ka qafaashay tuulada Kathua oo dhacda Waqoygada wadanka Hindiya.

Sideeda ruux ayaa lasoo xiray kiiska balse laba kamida ayaa lasii daayey markii dambi lagu waayey.

"Iyaga [Lixda nin] oo haysta shan maalmood waxay faroxumeeyeen tobanaan jeer iyaga oo kadibna garaacis ku dilay," ayey sheegeen dacwad oogeyaasha.

Ragga falka sameeyay ayaa lagu wadaa in la xukumo dhowaan, sidda uu dibada maxkamada magaaladda Pathankot ee gobolka Punjab ugu sheegay saxaafada Mubeen Farooqui oo ah qareenk xeer-ilaalinta.

Xeel-dheerayaasha ayaa sheegaya in raggan ay kaliya wajihi karaan dil toogasho ama xabsi daa'in. Xukun-sugeyaasha oo kasoo jeeda qowmiyada Hinduuga ayaa siyaabo kala duwan loo su'aalay kahor inta aan dambiga lagu helin.

Kiiskan ayaa wuxuu sababay banaanbaxyo laba maalmood socday oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee India sida New Delhi, Mumbai iyo Bangalore si lamida gobolka Jammu oo ay Muslimiinta ku badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM