Hindiya oo hogaamiyaha Kashmir ku xirtay sharci muran dhaliyey

Image

NEW DEHLI, India – Dowladda Hindiya ayaa waxay xabsi u taxaabtay Faaruuq Cabdullaahi, oo ah hogaamiyaha gobolka aadka loogu muransan yahay ee Kashmir.

Cabdullaahi oo 82-sano jir ah oo saddex sano xafiiska joogay ayaa laga xiray Srinagar, caasimadda ismaamulka la isku haysto ee Himalayan.

Ciidamadda ammaanka ayaa xariga siyaasigan u coksadey sharci la naqdiyey oo ku aadan in qofka la xiri karo laba sano maxkamad ama dacwad la’aan.

Kahor qabashadan, waxa uu ku jiray xabsi guri tan iyo 5-tii August, waqtigaasi oo ay dowladda Narendra Modi laashay aqoonsiga gaarka Kashmir.

Dibad-baxyo xoogan ayaa tan iyo xiligaasi dhacay, waxaana Hindiya ay gobolkan Muslimiinta ku badan yihiin u daabushay ciidamo badan.

Adeegyadda aas-aasiga ah sida isu socodka gaadiidka, isgaarsiinta iyo dhaqdhaqaaqa ayaa hakad ku jira, waxaana kala xiray gobolka oo idil.

"Waanu xirnay isaga, guddiga ayaana go’aamin doono waqtiga uu sii xirnaan doono," ayuu yiri Muneer Khan, sarkaal sarre oo bileys ah.

Tan iyo markii lasoo rogay xeerkaasi oo ahayd sanadkii 1989-kii, 20-kun oo qof ayaa xabsi loogu taxaabay sharcigaan.

Amnesty International ayaa "qaanuun la’aan" ku tilmaamtay sharciga oo hay’addaha Xuquuqul Insaanka codsadeen in meesha laga saaro.

Dhinaca kale, maxkamadda sarre ayaa laga filayaa in ay jawaab ka bixiso codsi ku aadan in maxkamad lasoo taago Cabdullaahi.

Kashmir, mid kamida meelaha ugu badan ee ay aduunka ciidamo joogan ayaa waxaa tan iyo isku haysta India iyo Pakistan.

Ku dhowaad 70-kun oo shaqsi ayaa ku naf-weysay tan iyo 1989-kii, waqtigasi oo ay India xoojisay joogitaanka dhanka milatariga ee degaanka.

Maqaamka Kashmir ayaa la sameeyay markii India ay xorriyada ka heshay Britain 1947-tii. Dalalkan ku hubeysan Nuk-liyeerka ayaa qayb ka kala haysta ismaamulkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM