Hogaamiyaha Daacish oo muuqaal kasoo muuqday sanado kadib

Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, United State – Abuu Bakar Al-Baqdaadi, hogaamiyaha kooxda la magac baxday dowlada Islaamka ama Daacish ayaa kasoo muuqday muuqaal ay baahisay warbaahinta kooxdaasi.

Muuqaalka Al-Baqdaadi oo ciwaan looga digay "Fariin ka timid hogaamiyaha dowlada Islaamka" ayaa socday 14 daqiiqo xili ay dhinacyadiisa fadhiyeen shaqsiyaad kale oo wajigooda la deday.

Al-Baghdadi, oo hareerahiisa ay yaaleen qoryo, ayaa hadal-jeedintiisa diirada ku saarey weerarkii ay ka fuliyeen Sri Lanka, isaga oo amaaney raggii geystay.

"Waxa uu aargoosi u ahaa [dagaalamayaasha] naga xiran," ayuu hadalkiisa ku daray Abu Bakr al-Baghdadi, sida ku cad muuqaalka.

Mar uu soo qaaday dagaalada uga furan Suuriya ayuu hoosta ka xariiqay in uu sii socon doono, isaga oo xusay "in aan marnaba dhinacooda dhulka la dhigi doono".

Gabagabadii, Abuu Bakar Al-Baqdaadi, ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay dagaal kula jirto wadanka Mareykanka iyo Caalamka, ayna sii wadeyso.

Waa markii ugu horeysay oo Al-Baqdaadi muuqaal lagu arko tan iyo bishii April sanadku markuu ahaa 2014-kii xiligaasi oo Dowlada Islaamka uu ku dhawaaqay.

Muuqaalkaan cusub oo aan la ogayn goorta iyo goobta lagu duubay ayaa muujinaya in Al Baqdaadi uu waayeeloobay balse caafimaad ahaan wanaagsan xili ay jireen warar sheegayey in la dhaawacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM