Iiraan oo ka baxday heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii nukliyeerka ee dowladaha ugu tunka weyn caalamka la galeen 2015-kii.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey talaabadan ayaa yimid kadib kulan ay magaaladda Tehran ku yeesheen golaha wasiirada Iran.

Heshiiska oo Marekanku mar sii horeysay ka baxay ayaa ka koobnaa qodobo ujeedkoodu ahaa iska hortaag lagu sameeyo in Iran ay hesho Nukliyeer.

Qodobadda waxaa kamida in la xakameeyo awooda bacmarinta maadooyinka laga sameeyo iyo cilmi baarisyadda ku saabsan horumarintooda.

Tehran oo sheegtay in ay la shaqeyneyso guddiga dabagalka UN-ka ayaa shuruud ka dhigtay dhaqan-gelinta heshiiska in Mareykanka qaado xayiraada.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanka magaalada Baqdaad ugu geystay Qaasim Suleymaani.

Suleymaani, oo ahaa shaqsigii labaad ee ugu awooda badan Iran, ayaa tan iyo 1997-dii hogaaminayey waaxda sirdoonka dibadda ee waddankaas.

Talaabada ay uga baxday heshiiskii nukliyeerka ee quwadaha aduunka la galeen ayaa noqoneysa falcelintii ugu horeysay oo rasmi ah tan iyo dilkii Qaasim.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM