Iiran oo soo riday diyaarad "jaajuus u ahayd Mareykanka"

Image

TEHRAN, US – Dowladda Iiraan ayaa maanta oo Khamiis ah waxay ku dhawaaqday in ay koonfurta dalkaasi kusoo rideen ciidamada kacaanka diyaarad nooca qumaatiga u kacda uu lahaa Mareykanka.

Wakaaladda wararka u faafisa wadankaasi ayaa baahisay in diyaaradda oo lagu toogtay meel ku dhow degmada Kouhmobarak ay ku jirtay hawada Iiraan ayna "basaas u ahayd xukuumadda Washington".

Balse Mareykanka oo ganafka u daruuray sheegashadaasi ayaa wuxuu tilmaamtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa MQ-4C Triton ayna lahaayeen ciidamada cirka ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo xiisada gobolka bariga dhexe ee labadaan dowladood ay cirka isku sii shareereyso isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo.

Isbuucii hore ayay ahayd markii Mareykanka uu Tehran ku eedeeyay in ay ka dambeysay weerar lagu qaadey Maraakiib kuwa shidaalka qaada ah oo lagu weeraray gacanka Cumaan.

Iiraaniyiinta oo eedeyntaasi qashinka ku duray ayaa cod dheer ugu tartarsiiyey Ameerikaanka ah in uu joojiyo "faafinta wararka been abuurka".

Falanqeeyayaasha ayaa ka digay sii socoshada is-qabqabsiga labada dowladood oo ay sheegeen in uu sababi karo dagaal, inkasta oo labada qaran ay meesha ka saarey iska hor-imaad.

Tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump waxaa maalinba maalinta xigta sii xumaanaya xiriirka Tehran iyo Washington, iyaga oo isku haya dano is-diidan oo Bariga Dhexe quseeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM