Ilaaliyihii gaarka ahaa ee boqorka Sacuudi Carabiya oo la toogtay

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Ilaaliyihii gaarka ee boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdicasiis, ayaa la toogtay kadib muran shaqsi ah, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Gaashaanle Sarre, Cabdicasiis al-Fagham, ayaa lagu khaarijiyey dekadda Badda Cas dhacda ee Jidda, halkaasi oo dowladda ugu wareegtay sababo la xiriira bilooyinka xagaaga.

Wakaalada wararka Sacudiga ayaa shaacisay in dilka al-Fagham uu yimid kadib markii saaxiibkii uu soo booqdey. Booliska ayaa waxa uu sheegay in weerarka afka ah uu dhexmaray.

Mamdouh bin Meshaal Al Ali, ninka lagu sheegay saaxiibkii, ayaa la tilmaamay in uu rasaasta bilaabay kadibna markii uu khaarjinta geystay uu diidey in uu isa soo dhiibo uuna isagu is-dilay.

Warbixinta Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ruux kale oo magaciisa lagu sheegay Filipino oo kamid ah ciidamadda ammaanka uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta labadda dhinac.

Al-Fagham ayaa durba loola cararay Isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday kolkii dambe dhaawaca soo gaarey. Mas'uuliyiin sar-sarre oo xukuumada Riyad ka tirsan ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka.

Dambiyada la xiriira dilalka ayaa aad ugu yar Sacuudi Carabiya, halkaas oo dil toogasho lagu qaado qof kasta oo toogasho sameeya.

Sanadkii 2017-kii, ku dhowaad 419 kiis oo ku saabsan shaqsiyaad iyaga is-dilay ayaa ka dhacay Sacuudiga, sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday xafiiska dambiyada iyo mukhaabaraadka ee UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM