Ilhaan Cumar oo garaacdey murashax aad loo maalgeliyey ololihiisa

Image

WASHINGTON, US - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa uga adkaatay xeer-ilaaliye Antone Melton-meaux, doorasho horudhaca ah, iyada oo bisha soo aadan ee November la tartameysa murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Haweenaydan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya isla markaana mucaarad weyn ku ah maamulka Donald Trump ayaa ku badisay 57%, halka Antone Melton-meaux uu helay 39%.

Antone Melton-meaux ayaa si weyn loo maalgeliyey ololihiisa doorashadda, waxaana ku talagalka ah uu ahaa in guuldarro dhabarka uu u saariyo Ilhaan, taasoo muuqata in aysan dhicin.

Si uu ugu oor-kacsado, tartamaha laga guuleystay ayaa ololihiisa u adeegsaday sooyaalka wadaniyadeed ee Ilhaan iyo hadalada dooda badan dhaliyey ee ay fagaareyaasha ka jeedisay.

Markii ay soo baxdey natiijadda, Ilhaan ayaa u dabaaldegtay, waxaana ay ka muujisay farxad, iyaddoo u mahadcelisay dhamaan intii u coddeysay oo taageereyaasheeda ah.

Dhinaca kale, Cumar Faatax oo ah nin dhalinyaro Soomaali ah ayaa kusoo baxay kursi uu xubin buuxda kaga noqonayo Aqalka Senate-ka ee gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota.

Natiijada coddeyn ka dhaceysa xaafadda 6-aad ee golaha degaanka ee magaalada Minneapolis oo Soomaali 7 qof gaaraya iyo 4 qof oo kale ay ku tartamayeen ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo dhowaan.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee Soomaalida ay sidda weyn uga dhex-muuqdaan siyaasadda, iyaddoo ku kala jira xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo ku loolamaya coddeynta xigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM