Ilhaan oo ilaalo dheeri ah dalbatay markii dil loogu goodiyey

Image

WASHINTONG, US – Xildhibaanadda ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa codsatay in sarre loo qaado ammaankeeda kadib markii mar kale dil loogu hanjabay, sidda ay Twitter-ka ku shaacisay.

Tani ayaa kusoo aadeysa saacado kadib markii xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweyne Donald Trump ee gobolka Alabama uu soo jeediyay in haweenaydan laga saaro xeer-dejinta waddankaasi.

Murashax Aqalka Sare ee is-maamulkaasi, Roy Moore, ayaa sidoo kale wuxuu dhankiisa ku baaqay in gabdhan dib loogu celiyay dhulkeeda hooyo ee Soomaaliya, isaga oo ku raacay Trump.

Sidda laga soo xigtay qoraal ay soo dhigtay barteeda xiriirka dadweynaha, Ilhaan ayaa loo adeegsaday erayo xanaf leh kuwaasi oo ay qayb ka yihiin "urtadda Soomaaliya" iyo "in qori lagu dili doono".

Ilhaan oo laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa loolan dhanka siyaasadda ah uu kala dhaxeeyaa Trump tan iyo doorashadeeda.

Afhayeen u hadlay Ilhaan ayaa u sheegay wargeyska Washington Post in baareyaashu ay gacanta ku hayaan kiiskan, isla markaana ay hubinayaa in uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasad.

Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa aad looga soo warinayay falal naceyb ah, kuwaasi oo qaarkood uu ku lug-yeeshay Trump, wallow uu iska fogeeyay arrintaasi iskuna tilmaamay "wadani".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM