"Ilhaan waxay muwaadin Mareykan ah noqotay kahor xaaska Trump"

Image

WASHINGTON, US – Qeyb kamid ah saxaafadda Mareykanka ayaa garab istaag weyn u muujisay gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar iyo haween kale oo ay kawada tirsan yihiin xeer-dejinta wadankaas.

Sidda ay dad badan sheegayaan, xubnahaasi ayaa waxay kala yihiin; Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib of Michigan, Ayanna Pressley of Massachusetts iyo Ilhaan Cumar, oo asal ahaan Soomaali ah.

Tani ayaa waxay ka dambeysay markii ay weerar afka ah ay kala kulmeen madaxweyne Donald Trump, kaasi oo ka dalbaday in ay dib ugu laabtan hoygooda oo ah dalalka ay markii hore ka yimaadeen.

Marka laga reebo Ilhaan oo Soomaali ku dhalatay, saddexda kale ayaa waxay ku dhasheen kuna barbaarey gudaha dalweynaha Mareykanka.

Hasa ahaatee, xaqiiqo layaab leh ayaa soo ifbaxdey oo ku saabsan cidda dhalashada Mareykanka hor-qaatay Ilhaan iyo xaaska Trump, haweeneyda lagu magacaabo Melania.

Sidda ay ku warameyso warfidiyeenka, Ilhaan ayaa muwaadin Mareykan ah noqotay sanadkii 2000, halka Melania ay qaadatay dhalashada Ameerika lix bilood kadib taariikhdaasi, iyaddoo 36-jir ah.

Warbaahinta ayaa Trump ku sifeeyay mid mar kale iska indho tiraya runta, isla markaana ku qeexay hadadalada kasoo yeeray kuwa "jinsi faquuq ah iyo naceyb".

Saxaafadda maxaliga ah ayaa sidoo kale tilmaamtay in madaxweynaha Mareykanka uu iska indho saabayo in reerkiisu ay asal ahaan yihiin kuwa soo galooti ah.

Ilhaan iyo haweenka kale oo dhaliila siyaasada ka dhanka ah muhaajiriinta ee uu Trump siyaasada kusoo galay ayaa kusoo baxay doorashadii 2018-kii, iyaga oo wacad ku maray guluf ka dhan ah madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM