Imaaraadka Carabta iyo Iiraan oo yeeshay wadahadalo dhif ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka xifaaltanka uu muddo dheer ka dhaxeeyo Iiraan iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay wadahadalo dhif ah oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafisa Imaaraadka ee WAM, wada-xaajoodyadda Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan iyo Mohammad Javad Zarif ayaa kawada arrin-saday qadiyadaha gobolka iyo caalamka.

Qodobadda sidda gaarka ah diiradda loogu saarey shirka waxaa kamid ah ka hortagga Covid-19 ee jilbaha dhulka u dhigay Bariga Dhexe.

Wakaaladda wararka WAM ayaa xustay in kulanka oo ku qabsoomay aalada maqalka iyo muuqaalka ay mas'uuliyiinta bilowgii is-dhaafsadeen salaam iyo hambalyo la xiriira munaasabadda Ciidul Adxaa ama Carafo.

"Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan wuxuu u sheegay dhigiisa Iiraan in ay ka go'an tahay xoojinta iskaashigada laba geesoodka ah ayna muhiim u tahay arrintaas xakameynta Covid-19," ayay WAM tibaaxdey.

Dhankiisa Zariif, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa Twitter-ka kusoo qoray in wadahadalka "si furan looga wadahadlay xalka laba geesoodka ah ee arrimaha labadda dal, tan gobolka iyo guud ahaan caalamka".

"Waxaan ku heshiinay in aan sii wadno wadahadalka ku saabsan mawduuca rajada - gaar ahaan maaddaama gobolku wajahayo caqabado adag, iyo xulashooyinka kale ee horteena yaala," ayuu soo qoray.

Imaaraadka, oo u dhow Sacuudiga iyo Mareykanka, ayaa xiisadda kala dhaxeysa Iiraan waxay salka ku haysaa arrimo ay kamid tahay barnaamijka Nuk-liyeerka ee Tehran, wallow si hoose u socdeen dedaalo nabadeyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM