Imaaraadka oo si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Turkiga

Image

ABU DHABI, United Arab Emirates – Imaaraadka Carabta ayaa si kulul wuxuu uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga, Hulusi Akar oo khuseeyay xaaladda Suuriya iyo Liibya.

Anwar Gargash, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda Abu Dhabi oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa ku sifeeyay dhawaaqa dhigooda Ankara "kuwa dareen kicin ah".

Isagoo hadalkiia sii wata, Gargash ayaa si furan wuxuu ugu waaniyey Turkiga in uu joojiyey "faragelinta qadiyadaha wadamadda Carabta".

"War-saxaafadeedka kicinta ah ee ]Wasiirka] Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay daaran tahay [fashilka] diblumaasiyadda dalkiisa…Xiriirka laguma maareeyo hanjabaadyo iyo faragelin, waqti xaadirkaan boos uma banaana faragelinta qabiilka, waxaana u wanaagsan Turkiga in uu joojiyo faragelinta arrimaha Carabta," ayuu Gargash kaga dhawaajiyey fariintiisa.

Akar ayaa shalay u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Turkiga in Imaaraadka uu "falal xaasidnimo ah" ka sameeyo Suuriya iyo Libya, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay wax ka qaban doonan.

Suuriya iyo Libya oo tobanaan sano ay ka aloolsan yihiin colaado sokeeye ayaa kamid ah furimaha ay murqahooda ku tijaabiyaan awoodaha Galbeedka iyo Carabta ee u han-qaltaagaya kala sareynta.

Dhinacyadda oo sahay iyo hub ku taageera dagaalamayaal hubeysan ayaa hawada isku mari hadalo xanaf leh oo dagaalada huriya, iyaddoo shacabka ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeladda ay kasoo gaarto.

Dagaal-wakiileedka oo karaar-qaatay bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa sarre u qaaday walaaca ku aadan in dalalka qudhooda ay fooda is-daraan, maadaama ay joogitaan ciidamo ku leeyihiin gudaha wadamadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM