Imaaraadka oo u baroor-diiqaya geerida wiil ka tirsan boqortooyada

Image

ABU DUBAI, UAE – Imaaraadka ayaa ku dhawaaqey saddex maalmood oo baroor-diiq ah iyo calanka oo qeyb ahaan hoos loo dhigayo kadib geerida xubin ka tirsan qoyska boqortooyada wadankaasi.

Sheekh Khaalid Bin Suldan Al Qaasimi ayaa la xaqiijiyey in uu galabnimadii Axada uu ku dhintey London, caasimadda Ingiriiska. Inkasta oo sababta keentay dhimashadiisa aysan wali kala caddeyn.

Marxuumka, oo 39-jir ahaa, kaasoo ahaa wiilka ugu da’da yar xaakimka magaaladda Sharjah ee dalkaas Carbeed ayaa aas-aasey shirkad ka shaqeysa xayeysiiska dharka si gaar ah Surwaalada raga.

Shirkaasi oo lagu magacaabo Qasimi ayaa markii ugu horeysay waxay suuqa soo gashay sanadkii 2008-dii wallow ay horumar lataaban karo sameysay mudadii ay jirtay oo uu Khaalid gacanta ku hayey.

Tacsida loo dirayo qoyska ayaa qabsatay baraha bulshadda iyadda oo dadka murugada la wadaagayo ay kamid yihiin mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin xiriir dhow la leh Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Khaalid Al-Qaasimi ayaa farshaxanka ka bartey dugsiga Tonbridge oo ku yaala London. Kadib koleejka London ayuu ka bartay luqadaha Faransiiska iyo Spanish-ka. Intaasi kadib cilmiga dhismaha ayuu bartay.

Walaalkiis ka weyn, Sheekh Maxamed Bin Suldan Al Qasimi, ayaa lagu waramayaa in uu sanadkii 1999-dii uu ugu dhintay isaga oo 24-jir ah markii uu iska badiyey isticmaalka maan-dooriyeyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM