India oo duqeyn ka fulisay gudaha Pakistan

Image

India ayaa sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan.

Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari.

Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibedda India, Vijay Gokhale ayaa weerarkan ku qeexay “mid ka hor-tag ah” oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jaish-e-Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka fuliso India.

Gokhale ayaa sheegay in India ay u qaadday tallaabadan si ay u badbaadiso dhibaato soo gaarta shacabka.

Duqeymahan oo India ay sheegtay in lagu dilay mintidiin badan, ayaa sii xoojin doona xiisadda ka dhex oogan labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM