Interpol oo ka jawaabtay codsiga Iiraan ee qabashada Donald Trump

Image

PARIS, France – Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa jawaab rasmi ah wuxuu kasoo bixiyey dalabka kaga yimid Iiraan ee ku aadanaa in ay qeyb ka noqdaan xirig ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Guddiga sarre ee Interpol oo fadhigoodu yahay magaalooyinka Paris iyo Lyon ee Faransiiska ka tirsan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen gaashaanka ugu dhuftay codsigaas oo ay ku sifeeyeen "mid siyaasadeysan".

"Habraaceena nooma fasaxayo in aan faragelino arrimo salka ku haya siyaasad," ayay raaciyeen. "Dalabkaas ma ahan mid caadi iska ah".

Shalay ayay ahayd markii xeer-ilaaliyaha guud ee Iiraan uu sheegay in Trump ay ku maxkamadeyn doonan dacwado kala ah; dilka Qaasim Suleymaani iyo argagixiso. 30 shaqsiyaad kale ayuu xusay in ay eedaas ku haystaan.

Illaa iyo haatan, xukuumadda Washington iyo maamulka Trump wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Balse, ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Iiraan, Brian Hook, ayaa ku qeexay hadaladaas "been abuur aan dhab loo qaadan karin".

Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo uu ku qabtay caasimada Sacuudiya Carabiya ee Riyadh, Hook ayaa qashinka ku daray waaranka ay Iiraan u jartay Trump. "Tani waxay Iiraaniyiintu u ekeysiineysaa kuwa doqomo ah".

Dagaalka dhinaca warbaahinta iyo afka ee u dhaxeeyay madaxda Mareykanka iyo Iiraan ayaa xoogeystay markii uu xafiiska yimid Trump, kaasoo ka baxay heshiiskii quwadaha dunida kala galeen Iiraan sameynta Nuk-liyeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM