Ciraaq oo u ololaynaysa in Suuriya kusoo laabato Jamaacadda Carabta

Image

BAGHDAD, Iraq – Dowladda Ciraaq ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in ay soo bandhigi doonto dalabkeeda ku aadan in Suuriya loosoo celiyo xubnimadeeda Jamaacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumada Baghdad, Maxamed Cali Al Xaakim, ayaa wariyeyaasha u sheegay in dhamaan wadamada xubinta ka ah ururka ay soo jeedintooda soo dhaweeyeen.

Al Xaakim, oo 67-sano jir ah, ayaa wuxuu rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in la aqbali doono codsigooda.

Hadalkan ayaa waxa uu warbaahinta siiyey kadib shirkii wasiiradda arrimaha dibadda ee Jamaacadda Carbata, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Qaahira, caasimadda waddanka Masar.

Shirkaas ayaa arrimaha kasoo baxay waxaa kamid ahaa in aad loo cambaareeyay howlgalka Turkiga ee Suuriya. Marka laga reebo Soomaaliya iyo Qadar, dhamaan dalalka kale way kasoo horjeesteen.

Ururkan oo la aas-aasay bishii Maaj ee 1945-tii ayaa qaramada xubinta ka ah waxay kala yihiin sida hoos ku xusan;

Algeria, Bahrain, Comoros, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Mauritania, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Syria, Tunisia, Imaaraadka Carabta iyo Yemen.

Suuriya, oo aas-aasayaasha ku jirta, ayaa laga saarey Jamaacadda Carabta sanadkii 2011-kii kadib markii ay xoogeysteen rabshadaha isla markaana maamulka jira uu ku guuldareystay in uu xaaladda dejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM