Ciraaq oo u ololaynaysa in Suuriya kusoo laabato Jamaacadda Carabta

Image

BAGHDAD, Iraq – Dowladda Ciraaq ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in ay soo bandhigi doonto dalabkeeda ku aadan in Suuriya loosoo celiyo xubnimadeeda Jamaacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumada Baghdad, Maxamed Cali Al Xaakim, ayaa wariyeyaasha u sheegay in dhamaan wadamada xubinta ka ah ururka ay soo jeedintooda soo dhaweeyeen.

Al Xaakim, oo 67-sano jir ah, ayaa wuxuu rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in la aqbali doono codsigooda.

Hadalkan ayaa waxa uu warbaahinta siiyey kadib shirkii wasiiradda arrimaha dibadda ee Jamaacadda Carbata, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Qaahira, caasimadda waddanka Masar.

Shirkaas ayaa arrimaha kasoo baxay waxaa kamid ahaa in aad loo cambaareeyay howlgalka Turkiga ee Suuriya. Marka laga reebo Soomaaliya iyo Qadar, dhamaan dalalka kale way kasoo horjeesteen.

Ururkan oo la aas-aasay bishii Maaj ee 1945-tii ayaa qaramada xubinta ka ah waxay kala yihiin sida hoos ku xusan;

Algeria, Bahrain, Comoros, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Mauritania, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Syria, Tunisia, Imaaraadka Carabta iyo Yemen.

Suuriya, oo aas-aasayaasha ku jirta, ayaa laga saarey Jamaacadda Carabta sanadkii 2011-kii kadib markii ay xoogeysteen rabshadaha isla markaana maamulka jira uu ku guuldareystay in uu xaaladda dejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM