Is-miidaamin lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay, 40 kelana way ku dhaawacmeen markii qarax is-miidaamin lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay bariga Afghanistan, maanta oo Jimce ah.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, guriga dhacdada laga soo wariyey oo uu lahaa taliye ka tirsan ciidamada dowladda dalkaasi ayaa ku yaala degmadda Pachir Aw Agam ee gobolka Nangarhar.

Wararka ayaa sheegaya in ruux is-qarxiyey uu ahaa cunug yar.

Afhayeenka gobolkaasi, Atahullah Khogyani, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in khasaaraha dhimashadda ay intaasi kasii badan karto, maadaama ay jiraan bukaano aad u daran.

Xoogaga Taliban oo wada hadalo kula jira dowladda Afghanistan ayaa dhinaca isaga leexiyey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkan.

Kooxda la magac baxdey dowladda Islaamka ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaan oo ay cambaareeyeen mas'uuliyadda wadankaasi dhaca qaaarada Asia.

Daacish ayaa aad ugu xoogan Nangarhar, halkaasi oo ay inta badan ka geysteen weeraro waxyeelo badan sababa ayna ku beegsadaan mas'uuliyiinta iyo askarta.

Bishii hore, is-miidaamin ka dhacday Jalalabad, caasimada gobolkaasi, ayaa waxaa lagu dilay saddex sarkaal iyo lix kale oo shacab ah xili ay ku dhaawacmeen 13 kale oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM