ISIL oo sheegatay weeraradii dadka badan ay ku le'deen ee Sri Lanka

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Mas'uul ka tirsan dowladda Sri Lanka ayaa shaaciyey natiijo horudhac ah oo kasoo baxday baaritaanka weeraradii maalintii Axada ee lagu laayey in ka badan 300 ruux.

Sidda ay kasoo xigatay warbaahinta, wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinkii ruxay wadankaasi "loogu aargudayey" Muslimiintii lagu xasuuqay laba Masjid oo ku taalla New Zealand.

Ku dhowaad 50 Muslimiin cibaadeysaneysay ayaa si aan kala sooc lahayn loogu laayay laba Masjid oo ku taala Christchurch ee dalka New Zealand, bishii Maaj ee sanadkaan.

Inkasta oo uu ka dhawaajiyay warkaasi, haddana wasiirka ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashooyinkiisa.

Geesta kale, kooxda la magac baxday dowlada Islaamka [Daacish] ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradaasi oo lagu beegsaday Kaniisado iyo Huteelo nooca loo tamashlo tago ah.

Wakaalada wararka u faafisa kooxdaasi ee Amaq News Agency ayaa ku dhawaaqday warkaan, inkasta oo aysan tafaasiil dheeraad ah aysan ka bixin.

Munaasabad aas wareed loogu sameynayo dadkii ku dhintay qaraxyadii maalinta labaad ee todobaadkaan ayaa ka socoto Kaniisad ku taala galbeedka Sri Lanka, halkaasi oo 100 ruux lagu khaarijiyay.

Booliska ayaa daboolka ka qaaday in 40 ruux loo soo qabtay duulaankaasi lagu bilaabay baaritaan iyada oo wadankaasi lagu soo rogay xaalad deg deg ah, oo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay in xasiloonida lagu soo celiyo.

Sikastaba ha ahaatee, sideed qarax oo is-miidaamin ahaa ayaa loo adeegsaday weerarada Sri Lanka oo lagu beegsaday iyada oo Masiixiyiinta ay u dabaaldegayeen ciidada Ester-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM