Ismiidaamin lagu weerarey Masjid oo galaaftay tobanaan ruux

Image

BAGHDAD, Iraq – Tobanaan ruux ayaa ku dhimatay markii qarax lagu beegsaday Masjid ay Shiicadu leedahay oo ku yaala caasimada Ciraaq ee Baghdad, maanta oo Jimco ah, sidda uu Boolisku sheegay.

Weerarka ayaa lagu ekeeyay Masjidka Imam Mahdi al-Muntadhar oo ku yaala xaafadda Baladiyat, kuna dhow degmada caanka ah ee Sadr City, intii lagu guda jira Salaadii Jimcaha ee maanta.

Naftii hore isku soo dejiyey walxo qarxa ayaa isku miidaamiyey Masaajidka, sidda ay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency kasoo xigtay Axmed Khalaf oo ah sarkaal ka tirsan Booliska.

Mr Axmed ayaa daboolka ka qaadey in dhacdadaasi ay ku geeriyoodeen tobban oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Balse warar kale ayaa intaasi ku daraya in waxyeeladda dhimashada ee weerarkaasi ay gaareyso todoba, balse ay sii kordhi karto.

Ma jirto illaa iyo hadda koox dusha saaratay mas'uuliyadda is-miidaamintaasi wallow looga bartay xoogaga Daacish.

Dalka Ciraaq oo kasoo kabanaya colaado muddo jira ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo xili ciidamo caalami ah ay ku howlan yihiin sidii wadanka looga sifin lahaa kooxaha dowlada kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM