Japan oo hoos u dhigaya kaalintiisa howlgal ka socda xeebaha Soomaaliya

Image

TOKYO, Japana – Dowladda Japan ayaa qorsheyneysa in ay hoos u dhigto howlgalka ka socda xeebaha Soomaaliya ee ka dhanka ah shufta badeeda, sidda ay qoreyso saxaafadda maxaliga ah.

Hoos u dhigitaanka oo ay go’aan ka gaarayaan Golaha Wasiiradda dalkaas ayaa quseysa agabka gaar ahaan diyaaradaha dagaalka, sidda uu ka dhawaajiyey mas'uul hadlay.

Japan ayaa howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya wuxuu ku leeyahay hal markab iyo laba diyaaradood.

Qorshaha haatan socda ayaa wuxuu yahay in hal diyaarad ay ka baxaan, sidda uu xusay Yoshihide Suga, xoghyaha xukuumadda oo war-fidiyeenka la hadlay kadib shir ay yeesheen wasiiradda.

Diyaaradaas oo nooceedu yahay P-3C isla markaana loogu talogalay howlgaladda roondoooyinka ayaa loo wareejin doonaa Bariga Dhexe "si loogu xoojiyo xasiloonida gobolka".

"Japan waxay si madax banaan u qaadaneysaa xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka Bariga Dhexe iyo bad-qabka ammaanka Maraakiibteena," ayuu Suga hadalkiisa ku daray.

Bariga Dhexe gaar ahaan marin-biyoodyadda ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo sababtay in la beegsado maraakiib ay leeyihiin waddamo dhowr ah.

Badi maraakiibta la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa dhoofiya Saliida, oo haatan noqotay wax ugu badan ee ay dunida ku tartameyso maadaama isha dakhliga dunida noqotay.

Howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo xoogeystay 2011-kii ayaa waxaa ka qeyb-qaata dowlado dhowr ah, wallow qudhooda lagu eedeeyo kalluumeysi baalmarsan sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM