Jenaraalo iyo saraakiil ciidan oo ku dhamaaday shil diyaaradeed

Image

CARACAS, Venezuela – Ugu yaraan todoba ruux ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed uu ka dhacay Waqooyi Galbeed ee dalka Venezuela.

Dadka ku dhintay dhacdadaan ayaa isugu jira; laba Jenaraalo, laba kabtan iyo saddex korneyl saddex xidigleyaal ahaa iyo askar kale.

Musiibadda ayaa laga soo wariyey duleedka magaaladda caasimadda ah ee Caracas, sidda ay xaqiijisay wasaaradda difaaca.

Diyaaradda oo ku dul-dhacday buur ku taalo tuuladda El Hatillo ayaa kusii jeeday magaaladda San Carlos ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi.

Madaxweyne Nicolas Maduro oo ka fal-celiyey shilkaan diyaaradeed ayaa tacsi u diray eheladda saraakiisha ciidan ee dhimatay.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xili wadankaasi ay ka jirto qalalaaso siyaasadeed oo mucaaradka ku doonayo in ay xilka uga ridaan madaxweyne Maduro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM