Jenaraalo loo xiray inqilaabkii Turkiga oo 141-sano oo xabsi lagu xukumay

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taala waddanka Turkiga ayaa 17 sarkaalkii hore oo milatariga ka tirsanaa ku xukuntay 141 sanno oo xabsi ah, maanta oo Khamiis ah.

Maxkamadeynta Jenaraaladaasi ayaa waxay ka dhacday gudaha xabsiga Sincan oo ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Ankara.

Dacwadaha lagu soo oogey ayaa ah; dambiyo ka dhan ah qaranka, hogaaminta guuto ciidan, isku day khaarijinta madaxweynaha iyo dilka 249 ruux.

Sanadkii 2017-kii ayay soo bilaabatay maxkamaddeynta saraakiishan.

Xukunkan lagu riday oo u muuqda xabsi daa'in ayaa wuxuu noqonayaa mid kamid ah kuwii ugu badnaa ee la xiriira inqilaabkii dhicisoobey ee sanadkii 2016-kii.

Turkiga ayaa wuxuu ku eedeeyay afgambigaasi guuldareystay wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee lagu magacaabo Fatxullaahi Gulen.

Gulen ayaa wuxuu iska fogeeyay isku daygaasi fashilmay kaasoo gaalaftay 251 ruux ayna ku dhaawacmeen laba kun oo rayid u badan.

Xukuumada Ankara ayaa ku hungowday in ay gacanta ku dhigto Gulen markii Mareykanka uu ku gacan-seyray dalabkaasi.

Tan iyo markii sanadkii 2002-dii la baaba'shey xukunada dilka toogashada ah, Turkiga ayaa dadka dambiyadda culus ku eedeysan waxa uu ku xukumayey sanado badan oo xabsi ah ama xabsi daa'in.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM