Jilaaga Tom Hanks iyo ciyaaryahano laga helay Coronavirus

Image
Image
Image

Jilaaga u dhashay Mareykanka ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa laga helay Coronavirus, oo hay’adda WHO ay sheegtay inuu yahay musiibo heer caalami, oo saameeyay inta badan dalalka dunida.

Tom Hanks oo horey ugu guuleystay billadda “Oscar” ayaa xanuunkan ku dhacay isagoo ku sugan dalka Australia oo Film cusub uu ku jilayay, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Jilaaggan oo katirsan Shirkadda Hollywood-ka Mareykanka ayaa ku caanbaxay Film-kii “Captain Phillips’ oo laga sameeyay afduubkii burcad-badeeda Soomaaliya u geysteen 2009 markabka Maersk Alabama.

Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson, oo labaduba 63 jir ah, aya alagu karantiiley Gold Coast University Hospital oo ku yaalla Queensland, Australia, waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in xaaladiisa ay liidato.

Dalka Australia waxa xanuunka COVID-19 (coronavirus) ugu dhintay saddex qof, iyadoo ay qabaan 140 kale, iyadoo cudurkan dilaagga ah, uu saameyn ku yeeshay isku socodkii iyo ganacsigii caalamka.

Dhanka kale, naadiga kubadda cagta Talyaaniga ee Juventus ayaa shaaciyay shalay in ciyaaryahanka uga ciyaara dhinaca difaacca ee Daniele Rugani, uu ku dhacay COVID-19.

Boqolaal qof ayuu Coronavirus ku dilay waqooyiga dalka Talyaaniga, waxaana uu soo ritay 12,000 qof oo ay ku jiraan ciyaaryahano ka ciyaara Serie C.

NBA-da Mareykanka ayaa ku dhawaawday inay joojisay dhamaan wixii ciyaaro basketball ahaa kadib markii Coronavirus laga helay Utah Jazz, oo u ciyaara koox ka dhisay magaaladda Oklahoma.

Saameynta Coronavirus ayaa kusii kordhaysa caalamka, iyadoo uu dilay mudo 3 bilood ka yar in ka badan 3,500 oo qof, waxaana uu cudurka hoos u dhigay dhaqaalihii dunida, oo hadda kala go’ galay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM