Jimmy Carter: Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo Isbitaal la dhigay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Jimmy Carter, ayaa la dhigay Isbitaal ka dib markii uu Axadii dhulka ku dhacay isaga oo hoygiisa jooga taas oo keentay in uu ka jabo miskaha.

Gurigiisa ayaa ku yaala degaanka Plains oo hoostaga dowlad goboleedka Georgia ee dalkaas dhaca waqoyga Ameerika.

Afhayeen u hadlay xarunta caafimaad, Deanne Congileo, ayaa jabniinka ku sifeeysay mid yar. War-saxaafadeedkeeda ayay ku xustay in 95-jirkan xaalad fiican ku jiro kuna kaban doono hoygiisa.

Waa markii saddexaad oo Jimmy Carter uu bilooyin gudahood ku kufo. Kufitaankiisa koowaad oo xagaagii yimid waxay dhalisay in uu u baahdo qaliin bedelitaan dhanka dhabarka ah.

Carter ayaa mar kale dhacay bishan inkasta oo 14-jeer la tolay, uuna Nashville ee gobolka Tennessee kaga qeybgalay isu soo bax lagu taageeryay dhismaha guryo ay degaan dadka aan awoodin kirada.

Sikastaba, Carter mid kamid ah hogaamiyeyaashii soo maray Mareykanka ee noolaada da'da ugu badan. Xaaskiisa 91-sano jirka ah Rosalynn, waxay noqotay laaminihii ugu da'da weynaa ee la guursaday

George iyo Barbara Bush oo isku guursaday 73-sano ayay iskoorkaas kala wareegay ayna dhaafeen.

Siyaasiyiinta Mareykanka, taageereyaashiisa iyo saaxiibadii oo siyaabo kala duwan uga falceliyay Isbitaalka la dhigay iyo xaaladiisa caafimaad ayaa u rajeeyay Carter soo kabasho degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM