Joe Biden iyo Boris Johnson oo telefoonka kuwada hadlay

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay Sabtidii inuu rajeynayo inuu kala shaqeeyo Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, himilooyinkooda ay wadaagaan, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo faafitaanka fayruska COVID-19.

Johnson wuxuu u adeegsaday markii ugu horeysay ee uu telefoonka kula hadlo madaxweynaha Mareykanka si uu u soo dhoweeyo ogeysiisyada Biden ee ah in Mareykanka uu dib uga mid noqon doono heshiiskii Paris ee cimilada ee la saxiixay 2015 iyo Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna ka wada hadleen rajada laga qabo heshiis ganacsi oo xor ah.

"Aad ayay u fiicaneyd inaan la hadlo madaxweyne Joe Biden fiidnimadan,” Johnson ayaa ku yiri Twitter-ka. "Waxaan rajeynayaa inaan sii xoojiyo isbahaysiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadeena dal maadaama aan ku dedaaleyno in aan si toos ah uga soo kabanayo Covid-19".

Aqalka Cad ayaa shaaca ka dhigay in Biden iyo Johnson ay ka wada hadleen iskaashiga, oo ay ku jiraan ururada ay kawada tirsan yihiin, ka hortagga isbedelka cimilada iyo la dagaalanka safmarka COVID-19.

"Biden wuxuu sidoo kale gudbiyay ujeedkiisa inuu xoojiyo xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya dalalkeena iyo soo nooleynta xiriirka wadaaga, isagoo hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee NATO ee difaaca wadajirka ah iyo qiyamka aan wadaagno," ayaa lagu yiri qoraalka Aqalka Cad.

Afhayeenad uhadashay Johnson ayaa sheegtay in hogaamiyayaashu "sidoo kale ka wada hadleen faa'iidooyinka heshiis ganacsi oo xor ah oo dhex mari kara labadayada dal". Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka baxday Midowga Yurub sanadkii hore, heshiis cusub oo ganacsi oo dhexmara xulafada wuxuu ahmiyad sare u leeyahay Johnson marka loo eego Biden.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa Jimcihii sheegtay in maamulku uusan laheyn wax waqti ah oo lagu abuurayo heshiis ganacsi oo cusub maadaama dareenka Biden uu inta badan diirada saarayo sidii cudurka faafa ee coronavirus loo xakameyn lahaa loona cadaadin lahaa Koongaraska si loo meel mariyo qorshaha gargaarka madaxweynaha ee $1.9 trillion.

Janet Yellen, oo loo magacaabay xoghayaha maaliyadeed ee maamulka Biden, ayaa sidoo kale muujisay intii lagu guda jiray dhageysigeeda meelmarinta wasiirada cusub horraantii toddobaadkan in Biden uusan diyaar u ahayn inay kala xaajooto heshiisyo ganacsi oo cusub.

“Madaxweyne Biden wuu cadeeyay inuusan saxiixin wax heshiis cusub oo ganacsi oo xor ah ka hor inta Mareykanku uusan maalgashi weyn ku sameyn shaqaalaha Mareykanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha,” ayay tiri Yellen.

Jariiradda Sunday Telegraph oo fadhigeedu yahay London ayaa warisay in Johnson uu yahay hogaamiyihii ugu horeeyey ee ka baxsan Waqooyiga Ameerika oo la hadlaa Biden "kadib laba todobaad oo la qorsheynayey taas oo loo arki doono inay tahay mid wax weyn u soo kordhinaysa xiriirka gaarka ah ee u dhexeeya UK iyo Mareykanka".

Hoggaamiyeyaashu waxay intaa sii dheer "in ay ka wada hadleen baahida loo qabo isku-dubaridka danaha ay wadaagaan ee arrimaha dibedda, oo ay ku jiraan Shiinaha, Iran, iyo Ruushka," ayaa la raaciyey qoraalka Aqalka Cad. Jimcihii, Biden wuxuu la hadlay raiisul wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM