Joseph DeAngelo: Dilaagii Dahabiga Ahaa oo lagu xukumay xabsi daa'in

Image

WASHINGTON, US – Joseph DeAngelo, ninka loo garan og-yahay Dilaagii Dahabiga Ahaa, ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu xukumay xabsi daa'in, iyadoo dhageysgii u dambeeyay ee kiiskiisa uu socday mudo in ka badan laba saac ah.

Xukunkiisa ayaa wuxuu soo gabagabeyn doonaa dambi baariseed bilowday sanadkii 1970-kii isla markaana soo jiitay indhaha caalamka.

DeAngelo oo ahaa 74-sano jir ka tirsanaa boolka gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa lasoo xiray 2018-kii caddeymo lagu helay.

Bishii June sanadkan 2020-ka, wuxuu khaarijinta 13-ka qof ku qirtay heshiis uu la galay dacwad-oogeyaasha oo ahaa in la toogan doonin.

Sidoo kale, wuxuu sameeyay qiraal ah in uu geystay kufsi aad u tirro badan, dhac iyo waliba fal-dambiyeedyo kale oo aan la carabaabin.

Dambiyaddan aadka u foosha ayuu isla gobolka uu ka howlgalayey wuxuu ka sameeyay mudadii u dhaxeysay sanadihii 1973 illaa 1986.

Kadib hadal-jeedinta dadkii ka badbaadey weeraradiisa iyo kuwa dhintay eheladooda, DeAngelo ayaa yiri "Waa dhageystay khudbadda mid walba oo idinka kamid ah. Runti waan ka xumahay qof walboo aan waxyeeleeyay".

Ehelada iyo qareenada u doodayey dhibaneyaasha ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda, iyagoo carabka ku adkeeyay in cadaaladdu shaqeysay. Sikastaba, dilaagii caanka ahaa wuxuu waqtigiisa ku dhameysan doonan xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM