Joseph DeAngelo: Dilaagii Dahabiga Ahaa oo lagu xukumay xabsi daa'in

Image

WASHINGTON, US – Joseph DeAngelo, ninka loo garan og-yahay Dilaagii Dahabiga Ahaa, ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu xukumay xabsi daa'in, iyadoo dhageysgii u dambeeyay ee kiiskiisa uu socday mudo in ka badan laba saac ah.

Xukunkiisa ayaa wuxuu soo gabagabeyn doonaa dambi baariseed bilowday sanadkii 1970-kii isla markaana soo jiitay indhaha caalamka.

DeAngelo oo ahaa 74-sano jir ka tirsanaa boolka gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa lasoo xiray 2018-kii caddeymo lagu helay.

Bishii June sanadkan 2020-ka, wuxuu khaarijinta 13-ka qof ku qirtay heshiis uu la galay dacwad-oogeyaasha oo ahaa in la toogan doonin.

Sidoo kale, wuxuu sameeyay qiraal ah in uu geystay kufsi aad u tirro badan, dhac iyo waliba fal-dambiyeedyo kale oo aan la carabaabin.

Dambiyaddan aadka u foosha ayuu isla gobolka uu ka howlgalayey wuxuu ka sameeyay mudadii u dhaxeysay sanadihii 1973 illaa 1986.

Kadib hadal-jeedinta dadkii ka badbaadey weeraradiisa iyo kuwa dhintay eheladooda, DeAngelo ayaa yiri "Waa dhageystay khudbadda mid walba oo idinka kamid ah. Runti waan ka xumahay qof walboo aan waxyeeleeyay".

Ehelada iyo qareenada u doodayey dhibaneyaasha ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda, iyagoo carabka ku adkeeyay in cadaaladdu shaqeysay. Sikastaba, dilaagii caanka ahaa wuxuu waqtigiisa ku dhameysan doonan xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM