Justin Trudeau oo karan-tiil galay markii looga shakiyey Coronavirus

Image

TORONTO, Canada - Ra'iisul Wasaaraha waddanka Canada, Justin Trudeau, ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay.

Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK.

Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra'iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso.

Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.

Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa.

Dhammaan shirarkaas oo uu Ra'iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay.

Mr Trudeau wuxuu hadda mas'uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka.

Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go'aanka ay Hay'adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah.

BBC + GO

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM