Kabtanka markabka ciidamada cirka UK oo loo eryay sabab cajiiba

Image

LONDON, UK – Kabtanka markabka ugu wayn uguna awooda badan ee ciidamada cirka Ingiriiska ayaa shaqadiisa ku waayey in uu gaari kaxeeyay bilowga isbuuca, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah.

Nick Cooke-Priest ayaa ahaa wuxuu ahaa kabtanka HMS Queen Elizabeth, oo halkii mar qaadi kara ku dhowaad 40 diyaaradood, tan iyo bishii October ee sanadkii hore 2018-ka.

Fahfaahinta ayaa intaasi ku dareysa in Jenaraalada markabka ciidamada cirka iyo Kabtanada ay soo amaahdee gaari si ay ugu adeegsadaan waajibaad ama shaqo rasmi ah.

Sikastaba, sidda laga soo xigtay majaladda THE SUN, baaris dhab ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay qaateen gaari uu noociisu yahay Ford Galaxy, waxaana lagu helay dambi ah "go’aan qaadasho khalad ah".

Sidda ay ku warameyso war-fidiyeenka, Cooke-Priest, ayaa horey looga digay in hadii gaari uu u adeegsado arrimo shaqsiyadeed ay dhaawaceyso shuruucda, isla markaana uu hareer-marayo hab-maamuuska.

Talafishinka Sky News ayaa Kabtan hore oo ciidamada cirka ah kasoo xigtay: "Tani waa khalad daacadnimo ah, taasi oo loola macaamilay sida ku haabooneed markay timaado heerarkaan oo kale.

"Hadda ayay kasii dareysaa hadalheynta oo ay sii xoogeysaneysaa. Talaabada ay qaadeen ma ahan mid ku filan. In qof la eryo ma ahan talaabada ugu wanagasan," ayuu hadalkiisa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM