Kalmadda "InshaAllah" oo lagu daray qaamuuska Jarmalka

Image

BARLIN, Germany – Kalmada Insha Allah oo macnaheedu yahay "hadii uu llaahey idmo" ayaa si rasmi ah loogu daray qaamuuska Jarmalka si gaar ah, Merriam-Webster, oo guud ahaan waddankaas laga isticmaalo.

Muslimiinta ku nool daafaha kala duwan ee caalamka ayaa isticmaala kalmadan marka ay mustaqbalka wax rajeynayaan.

Talaabadan cusub ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshadda Muslimiinta ee ku nool dalkan dhaca galbeedka qaaradda Yurub.

Ma ahan markii ugu horeysay in kalmad ay adeegsadaan Muslimiinta dunida oo lagu daro qaamuuska wadamada qaar.

Marka laga soo tago France, Jarmalka waa dalka labaad, ee ku yaala Galbeedka qaaradda Yurub, oo ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan.

Sidda ay muujineyso natiijadda tirakoobkii ugu dambeeyay, tiradda guud ee dadka Germany ayaa gaareysa 81 milyan oo ruux.

Inkastoo ay bulsho badan ku leeyihiin dalka Jarmalka, Muslimiinta ayaa la kulmaya tacadiyo ay geysanayaan cadaanka xagjirka ah, kuwaasoo inta badan bartilmaameedsada goobaha lagu cibaadeyso sida Masaajida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM