Kenyan "lagu adoonsaday" Soomaaliya oo xorriyadooda dib u helay

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex iyo tobban rag oo u dhashay Kenya kuwaasi oo muddo lagu adoon-sanayey gudaha Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib markii ay soo baxsadeen.

Shaqsiyaadkan oo shaqaale ahaan looga qoray magaala xeebeedka Mombasa ayaa u shaqeynayey markab kalluumeysi kaasoo la sheegay in uu ku saf-rayey calanka Soomaaliya oo la yiraahdo Marwan 1.

Saxaafadda maxaliga ah oo la kulantay xubno kamida dhibaneyaasha xeebaha Soomaaliya lagu haystay ayaa baahinaya in loo geystay xadgudub kala duwan, lana siin jiray gunnooyin aad u yar.

Wargeyska The Standard oo wareystay mid kamid ah raggan xorriyadooda helay ayaa tibaaxay in maamulahooda uu ula dhaqmay "sidda dad geeriyooday, uuna kaga baxay balamo".

Mushaharka ay qaadan jireen oo lagu xusay inta u dhaxeysa $500 iyo $450 ayaa la sheegay in ay ka badneyd shaqadda ay qaban-jireen, ayna aad u yareyd fursadda ay dhulka ku tagi kareen si ay u baxsadaan.

Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa la tibaaxayaa in ay kaalin ka cayaartay in muwaadiniintan ay xorriyadooda dib u helaan, iyadda oo tikidkii ay dalkooda ku qaabteen ka jartay caasimadda dowladda Puntland.

"Gunnoooyinkii ugu dambeeyay ee aan helay waxaan u adeegsanay tikido aan kasoo iibsanay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garowe kuwaasoo aan ku imaanaya Jomo Kenyatta," ayuu Mittau Makau oo ragga kamid ah.

Sidda uu ka dhawaajiyay Makau, waxa soo baxsadeen kadib markii maalin la keenay guriga maamulahooda, wallow uusan fahfaahin buuxda ka bixin qaabka ay ugu suurtogashay.

Dadka reer Kenya ee gudaha ku nool oo shaqo la’aan la daalaadhacaya ayaa dhibaatooyin kulma markay dibadda u shaqo tagaan, kuwaasi oo isugu jira dilal iyo xadgududyo dhanka shaqada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM