Kenyan "lagu adoonsaday" Soomaaliya oo xorriyadooda dib u helay

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex iyo tobban rag oo u dhashay Kenya kuwaasi oo muddo lagu adoon-sanayey gudaha Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib markii ay soo baxsadeen.

Shaqsiyaadkan oo shaqaale ahaan looga qoray magaala xeebeedka Mombasa ayaa u shaqeynayey markab kalluumeysi kaasoo la sheegay in uu ku saf-rayey calanka Soomaaliya oo la yiraahdo Marwan 1.

Saxaafadda maxaliga ah oo la kulantay xubno kamida dhibaneyaasha xeebaha Soomaaliya lagu haystay ayaa baahinaya in loo geystay xadgudub kala duwan, lana siin jiray gunnooyin aad u yar.

Wargeyska The Standard oo wareystay mid kamid ah raggan xorriyadooda helay ayaa tibaaxay in maamulahooda uu ula dhaqmay "sidda dad geeriyooday, uuna kaga baxay balamo".

Mushaharka ay qaadan jireen oo lagu xusay inta u dhaxeysa $500 iyo $450 ayaa la sheegay in ay ka badneyd shaqadda ay qaban-jireen, ayna aad u yareyd fursadda ay dhulka ku tagi kareen si ay u baxsadaan.

Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa la tibaaxayaa in ay kaalin ka cayaartay in muwaadiniintan ay xorriyadooda dib u helaan, iyadda oo tikidkii ay dalkooda ku qaabteen ka jartay caasimadda dowladda Puntland.

"Gunnoooyinkii ugu dambeeyay ee aan helay waxaan u adeegsanay tikido aan kasoo iibsanay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garowe kuwaasoo aan ku imaanaya Jomo Kenyatta," ayuu Mittau Makau oo ragga kamid ah.

Sidda uu ka dhawaajiyay Makau, waxa soo baxsadeen kadib markii maalin la keenay guriga maamulahooda, wallow uusan fahfaahin buuxda ka bixin qaabka ay ugu suurtogashay.

Dadka reer Kenya ee gudaha ku nool oo shaqo la’aan la daalaadhacaya ayaa dhibaatooyin kulma markay dibadda u shaqo tagaan, kuwaasi oo isugu jira dilal iyo xadgududyo dhanka shaqada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM