Khasaaraha dhimasho ee weerarka Masjidka New Zealand oo korodhay

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand - Taliyaha Booliska ee dalka New Zealand, Mike Bush, ayaa shaaciyay in ay korodhay khasaaraha dhimasho ee weerarka lagu qaaday labada Masjid.

Mr Bush ayaa intaasi ku daray geerida ay haatan mareyso 50 ruux, oo isugu jira haween, caruur iyo dad waawayn.

"Dhimashada waxaa ku korodhay meyd laga helay goobta uu weerarku ka dhacay…sidaan la soconay horey waxay u ahayd 49," ayuu yiri.

Meydka ayaa laga helay Masjidka Al Nuur, halkaasoo dabley cunsuri ah oo ku xasuuqay Jimcadii 40 oo Muslimiin cibaadaysaneysay.

"Dadka dhaawaca ah waxa ay qaarkood kasoo kabanayaa nabaradii soo gaarey…12 kamid ah ayaa xaalad halis ah ku jira," ayuu ku daray.

Falkii argagixisinio ee ka dhacay magaaladda Christchurch ayaa ahaa xasuuqii ugu waynaa ee taariikhda casriga ah ee wadanka New Zealand.

"Waanu arki jirnay dhaawacyo, laakiin in 50 qof ay hal maalin dhaawacanto, horey ma aysan noosoo marin," ayuu yiri Greg Robertson, madaxa qaliinka ee Isbitaalka ay mashaqadu ka dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM