Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu weeraray safaarada Mareykanka

Image

BAQDAAD, Iraq – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacantay markii madaafiic lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq.

Milatariga Ciraaq oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa wuxuu sheegay in hoobiyeyaasha noocoodu ahaa Katyusha.

Madaafiicda oo saddex xabo ahaa lagu waramayaa in laba kamid ah ay ku dhaceen nawaaxiga dhismaha safaaradda.

Sidda laga soo xigtay booliska, midka kale ayaa ku habsaday guri ay degan yihiin shacab, halkaasoo waxyeeladdu ka dhalatay.

Weerarkan oo dhacay habeenimadii Axadda ayaa ah falkii labaad oo lagu beegsanayo diblumaasiyiinta Ameerikaanka tan iyo dilkii Qaasim Suleymaani.

Dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa ku yaala aaga la yiraahdo Qadka Cagaaran, waana goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Aaga qadka cagaaran, sidoo kale, waxaa ku yaala inta badan dhismeyaasha dowladda Ciraaq, waana fariisinka maamulka haatan haya talada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM