Khasaaro xoogan oo ka dhashay dhul-gariir ka dhacay bariga Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.7 oo Jimcadii ruxay bariga Turkiga ayaa dilay 14 ruux xili ay ku dhaawacmeen in ka badan 300, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in musiibadan rabaaniga ah ay sidoo kale burburisay tobanaan dhismeyaal ah.

Badbaadiyeyaal ayaa lagu waramay in ay ku howlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen dad ku go'doonsan dhismeyaal.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, dhul-gariirka ayaa abaare labadii fiidnimo waqtiga Turkiga laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka Elazig.

"Kadib dhul-gariirka waxaa xigay dhul-ruxan badan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay'addaas.

Elazig ayaa qiyaasitii 465 miles waxay jihadda bari ka xigtaa magaaladda caasimadda ah ee Ankara.

Sanadkii 2010-kii, dhul gariir ka dhacay isla gobolka Elazig ayaa galaaftay nolosha 51 qof.

Laba dhul-gariir oo culus kuwaasoo Waqooyi Galbeed ee Turkiga ka dhacay 1999-dii ayaa sababay dhimashada 18,000 ruux, waana tiradii ugu badneyd ee musiibo noocaan ah ugu geerito.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM