Kim oo kasoo muuqdey "fagaare" xilli shaki la geliyey badqabkiisa

Image

PYONGYANG, NK – Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa Sabtidii markii ugu horeysay kasoo muuqdey goob bulsho ah muddo 20 asbuuc ah kadib xilli ay jiraan xan badan oo la xiriirta caafimaadkiisa.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Pyongyang ayaa fahfaahin ka bixisay meesha uu kasoo muuqdey 36-sano jirkaan.

"Kim wuxuu ka qeybgalay xaflad lagu xusay dhammaystirka warshad bacrimin ah oo ku taala magaalada Sunchon ee Koonfurta gobolka Phyongan," ayay wakaaladda Yohnap kasoo xigtay saxaafadda.

Bishii lasoo dhaafay ee April 11-keeda ayay ahayd markii ugu dambeysay ee la arkay Kim. Waqtigaas wuxuu gudoominayey shir xafiis-siyaasadeed uu yeeshay xisbiga shaqaalaha ee talada wadankaas haya.

"In uu ka maqnaaday munaasabadihii loogu dabaaldegayey dhalashada 108aad ee awoowgiisa ahna aas-aasaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Il-sung, oo dhacday 15-kii April waxay sababtay hadalheyn ku saabsan caafimaadkiisa," ayay Yonhap raacisay.

Ku dhowaad saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay ayay warar aan la xaqiijin sheegayeen in uu Kim u geeriyooday qaliin lagu sameeyay markii uu ku batay cayilka, sigaar-cabista iyo cuduro kale.

Warkaan hadda soo baxay ee tilmaamaya in Kim Jong-un uu meel bulsho ah kasoo muuqday todobaadyo kadib ayaa meesha ka saaraya xantaas, wallow ay calaamad su'aal gelinayaan qaar kamida mucaaradkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Israel iyo Britain: Sidee ayuu khilaafku ku billowday, yaase la saftay London?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar ayaa tallaabada London ku tilmaamay…..

  • Caalamka

    10-09-2026

  • 05:29PM

Pakistan oo Iran Digniin Adag u Dirtay Xilli Xuutiyiintu Weerarro Ka Wadaan Sacuudiga

Heshiiska ayaa dhigayaa in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood.

  • Caalamka

    10-09-2026

  • 08:02AM