Kim oo tareen gaashaaman ku tegay Ruushka kahor kulanka Putin

Image
Image
Image

VLADIVOSTOK, Russia - Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa ka degay magaaladda Vladivostok ee Ruushka kahor kulanka uu la leeyahay madaxwaynaha dalkaasi.

Kim Jong Un oo ku yimid Russia tareen gaashaaman ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen mas'uuliyiin uu ku jiro wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

Shir madaxeedka Kim iyo Vladimir Putin oo ah midkii ugu horeeyay ayaa diirada lagu saarayaa xiriirka diblumaasiyada labada dal iyo barnaamijka Nukliyeerka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada Ruushka, Kim ayaa rajeeyay in shirka uu la qaadan doono Putin uu noqdo mid kusoo idlaaday guul.

Kulankaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadda oo uu fashil kusoo dhamaaday shirkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Kim iyo Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

Xeel-dheerayaasha ayaa si wayn u rumeysan in Mareykanka uu dusha kala socon doono shirka Putin iyo Kim, maadaama uu saameyn gaar ah ku leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM