Koonfur Afrika oo yeelatay xukuumad ay ragga iyo dumar u siman yihiin

Image

CAPE TOWN, South Africa – Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu magacaabay golle wasiiro cusub, kuwaasi oo markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi ay kala bar dumar yihiin.

Talaabada kale ee lama filaanka ah ayaa waxay tahay in mid kamid ah haweenkaasi ay tahay mucaarad.

Siyaasiyada mucaaridnimada ku caan-baxday ee Patricia de Lille, taasoo ka tirsan xisbiga Good Party, ayaa laga dhigay wasiirka Horumarka Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Xisbiga African National Congress ayaa ku guuleystay doorashada guud ee wadanka Koonfur Afrika, bishan May 8-deedeeda.

Dadka u duun-daloola arrimaha siyaaasadda dalkaasi oo "la yaabay" go’aankan ayaa ku sifeeyay madaxweynaha "xariif yaqaan waxay dadka ka filayaa iyo sida culeyska loo dejiyo".

Mr Ramaphosa ayaa wacad ku maray in uu yareyn doono wax uu ugu yeeray "gole wasiiro oo maal-qabeeno ah" kuwaasoo gaaraya 36 uuna ka dhigayo 28 xubnood Golaha Fulinta.

Hogaamiyaha dalkaasi koonfurta qaarada Afrika dhaca ayaa sidoo kale balanqaadey in uu xididaha u siibayo musuq-maasuqa balse dadka dhaliisan su'aalo geliyey "daacadnimadiisa".

Shaqsiyaadka naqdinaya hogaamiyahan ayaa ku doodaya in madaxweyne ku xigeenka, David Mabuza, uu qayb ka yahay wax is-dabamarinta.

Mr Mabuza, oo aad ugu dhowaa madaxweynihii hore Jacob Zuma, ayaa beeniyay eedeymo ku aadan in uu ku lug-yeeshay dilal siyaasadeysan iyo lun-sasho hanti Ummaddeed.

Sikastaba ha ahaatee, wasiirada cusub ee wadanka Koonfur Afrika ayaa la dhaariyey Khamiistii, waxaana la filayaa in ay xilalka la wareegi doonan maalmaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM