Kumanaan ISIS ah oo dib ugu noqonaya dagaalada ka socda Siiriya

Image

WASHINGTON - Senator ka tirsan aqalada Barlamanka Mareykanka ayaa ka digey In 10,000 maxaabiis ka tirsana ururka ISIS kuwaas oo ku xiran xabsiyo ku yaal dalka Siiriya gaar ahaan dhulka Kurdish xakumaan dib ugu biiraan dagaalada. 

Jabhada Kurdish 'SDF' oo qayb ka aheyd dagaaladii Mareykanka hogaaminayey ee lagaga adkaadey ISIS, ayaa sheegtey in kooxahaan dib u bilaaabaan dagaalada kadib markii Madaxweyne Trump kala baxay ciidamadiisa degaanadaas.

Senator Jeanne Shaheen oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga ayaa wargeyska Washington Post u sheegey " Waxaan hadda wajahayenaa rajada ah in 10,000 ISIS maxaabiis ah dib ugu noqdaan dagaalada." 

Warkaan ayaa yimid kadib markii maamulka Kurdish sheegeen in duqeyn Turkiga u gaystey xabsi ku yaal magaalo ku taal xuduudka "Qamishli" halkaas oo ay ku jiraan maxaabiista ugu khatarsan ISIS, talaabadaas oo ay ku sheegeen iney aheyd mid lagu sii daynayo dadkaan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twitter ku qorey in Labo kamid ahaa Maxaabiista ISIS kuwooda ugu khatarsan loona haystey in madaxa dad ka goyn jireen u qaadeen dalka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa bilaabey iney ka baxaan goobihii ay ka fadhiyeen Woqooyiga Suuriya degaano ka tirsan halkaas oo ciidamada Turkiga damacsan yihiin iney la wareegaan.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM