Kuuley u dhaxeysay nolol iyo geeri oo lasoo badbaadiyey

Image
Image

VIENNA, Austria – Kuuley ay qoorta u gashay albaab ku yaala wadanka Austria ayaa waxaa soo badbaadiyey dambiyeyaal, iyaga oo adeegsanaya qalab culus.

Xayawaanka ayaa waxaa qabsatay qeyb kamida kala barka iridka xili ay isku deyaysay in ay ka talaabto.

Kooxda dab-damiska ee magaalada Graz oo isticmaalaya qalabka biraha lagu jarayo ayaa si fudud ku gooyey kadibna kasoo saarey Xidig-dhuleedkan.

Mas'uuliyiinta oo sawirada dhacdadaan ku faafiyey baraha bulshadda ayaa shaaciyey in xayawaanka aysan wax dhibaato/dhaawac ah soo gaarin.

Kuuleyda ayaa waxaa lagu wareejiyay ururka xayawaanada wadankaasi si baaritaano caafimaad loogu sameeyo, kadibna loo xanaaneeyo.

Sheekadaan ayaa waxaa aad u hadal-hayey dadweynaha wadankaasi ku nool, maadaama ay tahay wax dhif iyo naadir ah.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii dab-damiyeyaasha Jarmalka ay soo badbaadiyeen Dooli [Jiir] oo uu ku degay albaabka wadooyinka dhexdooda ku yaala ee bulaacadaha loo sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM