Laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo lasoo riday

Image

BAKU, Azerbaijani - Milatariga waddanka Azerbaijani ayaa Talaadada maanta ah wuxuu shaaca ka qaadey in uu soo riday laba diyaarad oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo uu lahaa dalka Armenia.

Wasaaradda Difaaca ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in diyaaradaha ay "dhaqdhaqaaqyo kormeerid ah" ka wadeen qeybta ay ka maamulaan meel ku dhow koonfurta dhufeesyada Agdam.

Dhinaca kale, diyaarad kale oo drones ah ayna leedahay Armenia taasoo la xusay in ay "uruurineysay macluumaadyo mukhaabaraad" waxaa lagu toogtay gobolka Tovuz ee isla gudaha Azerbaijani.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada xukuumadda Baku oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhigeeda Yerevan.

Wallow aysan Baku soo qaadin, talaabada lagu soo riday diyaaradaha ayaa u muuqata mid aargoosi u ah askar u dhashay Azerbaijani oo la sheegay in ay dileen ciidamadda Yerevan, 12-kii Julaayo.

Azerbaijan ayaa si joogta ah ugu dhaleeceysa Armenia talaabooyinka ka dhanka ah Turkiga oo taageero u muujiya Baku, isla markaana uga diga Yerevan weeraro ay ka geysato deriskeeda bariga ka xiga.

Milatariga Armenia ayaa tan iyo 1991-dii si sharci darro ah ku haysta gobolka Upper Karabakh oo loo garan og-yahay Nagorno-Karabakh, halkaas oo dunida u aqoonsan tahay qayb kamid ah Azerbaijan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM