Laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo lasoo riday

Image

BAKU, Azerbaijani - Milatariga waddanka Azerbaijani ayaa Talaadada maanta ah wuxuu shaaca ka qaadey in uu soo riday laba diyaarad oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo uu lahaa dalka Armenia.

Wasaaradda Difaaca ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in diyaaradaha ay "dhaqdhaqaaqyo kormeerid ah" ka wadeen qeybta ay ka maamulaan meel ku dhow koonfurta dhufeesyada Agdam.

Dhinaca kale, diyaarad kale oo drones ah ayna leedahay Armenia taasoo la xusay in ay "uruurineysay macluumaadyo mukhaabaraad" waxaa lagu toogtay gobolka Tovuz ee isla gudaha Azerbaijani.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada xukuumadda Baku oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhigeeda Yerevan.

Wallow aysan Baku soo qaadin, talaabada lagu soo riday diyaaradaha ayaa u muuqata mid aargoosi u ah askar u dhashay Azerbaijani oo la sheegay in ay dileen ciidamadda Yerevan, 12-kii Julaayo.

Azerbaijan ayaa si joogta ah ugu dhaleeceysa Armenia talaabooyinka ka dhanka ah Turkiga oo taageero u muujiya Baku, isla markaana uga diga Yerevan weeraro ay ka geysato deriskeeda bariga ka xiga.

Milatariga Armenia ayaa tan iyo 1991-dii si sharci darro ah ku haysta gobolka Upper Karabakh oo loo garan og-yahay Nagorno-Karabakh, halkaas oo dunida u aqoonsan tahay qayb kamid ah Azerbaijan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM