Laba Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay waddanka Malta

Image

VALLETTA, Malta – Laba ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacantay gacan-qaad labadooda ku dhexmaray magaaladda St Julian’s ee wadanka Malta.

Taliska Booliska ayaa shaaciyey in dagaalka uu labadaan ruux dhexmaray fiidnimadii Talaadda, 18-kii Febraayo, 2020.

Illaa iyo haatan lama ogga waxa dhaliyey dagaalkooda, balse laamahaa amaanka waxay ku waddaan baaris. Toorey ayaa la sheegay in a isu adeegsadeen.

Midkood oo 28-sano jir ah ayaa waxaa la tilmaamay in lagu xiray saldhig boolis, halka midka kale oo dhaawac daran uu ku yaalo ayaa Isbitaal la jiifiyey.

Bileyska ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan magacyadda iyo muuqaalka shaqsiyaadkaan, maadaama ay soo kabasho ku jiraan.

Malta oo ah waddan ku yaala qaarada Yurub wuxuu marin iyo degaan u noqday sanadihii u dambeeyay Soomaaliya badan.

Kiisaska ay Soomaalida dhexdooda isugu tooreeyaan ayaa sanadihii dambe ku badnaa Malta, iyaddoo aanan wali la ogaan sababta ka dambeysa arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM