Lacagta ku baxday saldhig Mareykanka ka dhistay dalka Niger

Image

NIAMEY, Niger – Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa ku dhawaaqay in magaaladda Agadez ee dalka Niger ay ka dhisteen saldhig cusub oo cirka ah.

Xeradaas oo ku taala meel aysan dadku ka dhoween ayaa laga qaadi doonaa duqeymaha Mareykanka fuliyo wadamadda gobolka ee la dagaalamaya argagixisada.

Stephen Townsend, taiyaha AFRICOM, ayaa tilmaamay in ay rajeynayaa in saldhigan uu noqdo midka kamid ah kuwii ugu shaqada badnaa taariikhda Ciidamadda Cirka Mareykanka.

Saldhigan oo sumadiisu tahay Air Base 201 ayaa dhismihiisa waxaa ku baxday aduun lacagee dhan 110 milyan oo Doollar-ka Mareykanka, sidda laga soo xigtay AFRICOM.

Dhismihiisa ayaa lasoo gabagabeeyay dhamaadkii sanadkan, inkasta oo dhowr jeer dib loogu dhigay caqabado ka jira halkaas oo ay kamid tahay saxaraha.

Niger iyo wadamada deriska la ah ayaa waxay la dagaalamayaa maleyshiyaad xagjiriin ah oo ay kamid tahay kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka.

Diyaaradaha milatariga Mareykanka ayaa kolkii hore kasoo duuli jiray magaaladda caasimadda ah ee Niamey. Saldhiga cusub wuxuu meesha ka saarayaa arrintaas.

Dalalka kala ah; Cameroon, Chad, Niger iyo Nigeria ayay ka howlgeli doonan diyaaradaha ka duuli doona Air Base 201.

Ciidamadda Nigeria ayaa maamulaya inta badan saldhiga Agadez, balse Mareykanka wuxuu leeyahay xuquuq gaar ah oo ku aadan 20% oo dhinaca badka ah.

Boqolaal kamid ah askarta ciidanka cirka Mareykanka ayaa ku sugan saldhigan, si lamid ah tirro aan la cayimin oo diyaarado Ameerikaanku leeyahay ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM