Lataliyihii hogaamiyaha sarre ee Iran oo u dhintay Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Mas'uul lataliye u ahaa hogaamiyaha sarre Iiraan, Aayatulaah Cali Khamanii, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu soo waramay in uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Maxamed Mirmohammadi uu ku dhintay Isbitaal ku yaala magaala madaxda Tehran.

Mirmohammadi, oo 71-sano jir ahaa, ayaa wuxuu noqonayaa mas'uulkii ugu horeeyay ee qarankaas uu ka galaafto caabuqaas.

Geeridiisa oo laga sii daayey Raadiyaha Dowladda Iran ayaa imaaneysa xili waddanka uu ku howlan yahay sidii uu uga takhalusi lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka, haweenayda lagu magacaabo Masoumeh Ebtekar, iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Iraj Harirchi ayaa laga helay Coronavirus.

Sidda ay warbixinadda soo jeedinayaan, hogaamiye Khamani ayaa la kulmay mas'uuliyiinta sarre ee caafimaadka si loo wajaho xaaladda.

Marka laga soo tago Shiinaha, dalka Iran waa midka ugu badan ee geerida cudurka laga soo wariyey. 54 ayaa u nafweysay xili la xaqiijiyey 578 kiis, kuwa kalena waa la baarayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM