Libya oo laga soo musaafuriyey 236 qof oo ay Soomaali ku jiraan

Image

TRIPOLI, Libya – Mas'uuliyiinta Libya oo sheegay in ay musaafuriyeen 236 soo galooti sharci darro ah oo ay ku jiraan qaar Soomaaliyeed ayaa xusay in ay wadamadooda dib ugu celiyeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay'adda la dagaalanka soo galootiga sharci daradda ah ayaa lagu soo bandhigay dalalka ay u dhasheen.

Wadamadooda waxaa lagu kala sheegay; Suudaan, Chad, Nigeria, Ghana, Mali, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ma cadda qaabka ay suurtagal ku tahay tarxiilka maadaama duulimaadyadda caalamiga ah loo joojiyey ka hortagga Coronavirus.

Wakaaladda wararka u faafisa China ee Xinhua ayaa ku warantay in qaxootiga la musaafuriyey ay ku jiraan lix dumar ah iyo hal cunug.

Libya waxaa laga soo wariyey kiisas badan oo Covid-19. Sidoo kale, waxaa jira tirro dhimasho oo cudurkaas uu ka sababay qarankaas.

Kumanaan qaxooti ayaa maalin walba gala Libya, badankooda ay Afrikaan yihiin. Waxay uga sii gudbaan Yurub iyagoo maraya Badda Mediterranean.

Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah ayaa dhowr jeer ku celcelisay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro mushkiladaan joogtada ah.

Sidda ku xusan warbixinta IOM, in ka badan 650-kun oo qaxooti ah, kuwaas oo lix kun oo kamid ah ay isugu jiraan dumar iyo caruur ayaa lagu hayaa xerooyinka qaxootiga ah ee dalka Libya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM