Libya oo si kulul uga hadashay go'aankii baarlamaanka dalka Masar

Image

TRIPOLI, Libya – Wasiirka arrimaha gudaha dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Libya, Fathi Bashaga, ayaa cambaareeyay go'aankii baarlamaanka Masar ee awooda dheeriga ku siiyey madaxweyne Cabdel Fataax Al Siisi.

Bashaga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku xusay in go'aankaas uu la macno yahay "ku dhawaaqida dagaal".

Talaabo kasta oo ciidamo shisheeye lagu soo gelinayo Libya ayuu tibaaxay in ay u aqoonsan doonan "in ay cadow ku yihiin qaranimada Liibiya".

"Ansixinta baarlamaanka Masar go'aanka ciidamada loogu dirayo meelo ka baxsan xuduudahooda galbeedka waa ku dhawaaqida dagaal ka dhan ah Libya, waxayna xadgudub ku tahay xeerarka Jaamacada Carabta iyo Qaraamda Midoobay," ayuu yiri.

Dowladaha taageerada u muujinaya Jeneraal Khaliija Xaftaar ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan "u sacaba tunka mashruuca milatari ee fashilmay".

Isniintii todobaadkan ayay ahayd markii mudaneyaasha xukuumadda Khaahira ay u ogolaadeen madaxweyne Al Siisi in uu ciidamo u daad-gureeyo Libya hadii Turkiga u dhaqaaqo la wareegida magaalada muhiimka ah ee Sirte.

Sirte oo ku taala goob istaraatiiji ah ayaa ah marinka ceelasha shidaalka Libya, waxaana Al Siisi uu horey u sheegtay in ay u tahay "qad casaan ah".

Sikastaba, ciidamo ay Masar u dirto Libya ayaa la macno ah in xaalada ay kasii dareyso isla markaana ay wadamada shisheeye qarka u fuulayaan in uu gacan ka hadal toos ah uu dhexmaro, taas oo qarankan aanan u wanaagsaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM