Lix arrimood oo ku saabsan kulanka 2aad ee Trump iyo Kim

Image

HANOI, Vietnam - Indhaha caalamka ayaa kusii jeeda magaaladda Hanoi, caasimada dalka Vietnam, halkaasi oo fiidnimada Arbcada maanta ah ay kulmi doonaa Donald Trump iyo Kim Jong-un, markii labaad.

Madaxwaynaha Mareykanka iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku sugan wadankaasi, inkasta oo aaney wali is-arkin.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa halkaan kuugu soo gudbinaya Shan arrimood oo aad uga baahan tahay in aad ka ogaato kahor kulankaasi.

 - Maxay ka wada hadli doonaan? -

Markii ugu dambeysay oo ay ku kulmeen Singapore bishii June ee sanadkii tegay waxay shirkooda taariikhiga ah uga hadleen hubka Nukliyeer-ka.

Reer Galbeedku waxay rabaan in Kuuriyada Waqooyi ay ka quusato hubkaasi, hasa yeeshee waxa ay sheegtay in uu gaashaan ugu yahay halista Mareykanka iyo dalalka kale.

Sababtaasi darteeda, Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran xayiraado balaaran, oo ka hor istaagay ganacsiga ama is-dhexgalka dunida.

- Maxay ugu kulmayaan Vietnam? -

Dalka shuuciyada ay ka jirto ee Vietnam ayaa caqiido siyaasadeed oo isku ah la wadaaga Kuuriyada Waqooyi, si lamid ah waxaa uu cadaawad taariikheed uu la leeyahay Mareykanka.

Kim ma filayo dibad-bax isaga ka dhan ah, sidoo kale, dowlada dalkaasi ma ogolaan doono mudaaharaad – si lamid ah wariyaasha ayaa si dhow ula socon kara xogaha ku saabsan shir madaxeedka.

- Rajada laga qabo kulanka -

Ugu yaraan, waxaa suurtagal in kulankaan uu kasoo baxo go’aan ah in lagu qaboojinayo xiisada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Suurtagalnimada in heshiis la gaaro waa mid maan-gal ah, taasi oo labada dowladood u ah faa’ido.

- Miyey Kuuriyada Waqooyi tahay halis dhab ah? -

Dalalka xulufada la ah Mareykanka ee dariska la lah Kuuriyada Waqooyi ayaa u arka sidaasi, hasa yeeshee kuwa kale ma qabaan aragtidaasi.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa sheegaysa in badi weerarada Internet-ka ee dunida ka dhacay sanadihii u dambeeyay ay ka imaanayeen Kuuriyada Waqooyi.

- Damaca Mareykanka? -

Shaki la'aan Washington waxay raadineysaa in ay meesha ka saarto Kim, balse waxay noqon doontaa layli ka shaqeyntiisu waqti badan ay qaadan doonto.

Dadka arrimahaan u dhuun-daloola waxay qabaan in hadii ay tani dhacdo ay sii hurin karto colaada labada dal.

- Trump iyo balanqaadkiisa kahor kulanka -

Donald Trump ayaa maalmo kahor shirkaan ayaa u balanqaaday Kuuriyada Waqooyi horumar dhaqaale, balse wuxuu ku xiray shuruud adag.

"Kuuriyada Waqooyi waxa ay noqon doonaa mid kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka, balse waa marka ay Nuk-liyeerka ay ka tanaasusho," ayuu Trump yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM