Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Image

FRANKFURT – Shirkadda weyn ee diyaaradaha Jarmalka ee Lufthansa ayaa ku dhawaaqday inay joojisay ilaa 20,000 oo duullimaad oo ahaa qorshihii xagaaga, kadib markii ay cirka isku shareertay qiimaha shidaalka diyaaradaha oo ay saameysay xiisadda ka aloosan dalka Iiraan.

Shirkadda ayaa xustay in go’aankan uu yahay mid lagu badbaadinayo kharashka, maadaama qiimaha shidaalka uu aad u kordhay tan iyo markii ay xumaatay xaaladda gobolka. Tallaabadan ayaa la filayaa in lagu badbaadiyo qiyaastii 40,000 oo tan oo shidaal ah, iyadoo duullimaadyada la baajiyay ay u badan yihiin kuwa masaafooyinka dhow ee qaaradda Yurub.

Joojintan ayaa si gaar ah u saameyn doonta xarumaha waaweyn ee Lufthansa ee Frankfurt, Munich, Zurich, Vienna, iyo Brussels inta u dhaxaysa bilaha May ilaa October 2026.

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog, iyagoo dhanka kale qorsheynaya inay hawlgab ka dhigaan diyaaradaha duugga ah ee shidaalka badan isticmaala.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Midowga Yurub uu ka walaacsan yahay saameynta xiisadda Bariga Dhexe ay ku yeelan karto saadka tamarta iyo dhaqdhaqaaqa duullimaadyada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM