Mareykanka oo shaaciyey in uu howlgal ku beegsaday Al-Baqaadi

Image

WASHINGTON, US – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Waqooyi Galbeed ee waddanka Suuriya.

Mas'uuliyiinta xukuumadda Washington ayaa shaaca ka qaadey in howlgalkaas lagu beegsaday hogaamiyaha Daacish, Abuubakar Al-Baqaadi.

Hase yeeshee, saraakiisha u hadashay xoogaga Ameerikaanka ah ma aysan kala caddeyn hadii gulufkaas lagu khaarijiyey Al-Baqaadi.

Wargeyska Newsweek oo noqday isha koowaad ee howlgalka ayaa tibaaxay in Al-Baqdaadi iyo maleyshiyaadkiisa lagu beegsaday Idlib.

Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka ayaa tibaaxay in Trump uu go’aano waaweyn ku dhawaaqi doono saacadaha soo aadan.

Hadii la xaqiijiyo geerida hogaamiye Al-Badqaadi waxay soo gabagabeyn doonto ugaarsi lagu hayey sanadihii u dambeeyay.

Washington Post ayaa rumeysan in dhimashadda Al-Badqaadi, hadii la xaqiijiyo, ay dharbaaxo ku noqon doonto howlgalada ISIL.

Kooxda la magac-baxday dowlada Islaamka ayaa bishii hore baahisay fariin cod ah oo ay ku sheegeyso in ay kordin doonto howlgaladeeda aduunka.

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ma aysan ka jawaabin dalabyo isku xig-xiga oo loo gudbiyey oo ku saabsan in ay ka hadasho arrintaan.

Xoogaga argagixisadda ah ayaa sanadihii u dambeeyay waxay khatar amni oo muuqata ku ahayd qaadaraha kala duwan ee aduunka.

Howlgalkan qorsheysanaa ayaa kusoo aadaya iyadda oo Mareykanka dhowaan shaaciyey in ciidamo gaaraya kun askari uu kala soo baxayo Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM