Ma magaalo dhulka hoostiisa ku taala ayaa laga helay Turkiga?

Image

ANKARA, Turkey – Howlwadeeno ayaa gobolka bariga Turkiga ku yaalla ee Kayseri ka helay god hoos ugu qodan 20 mitir.

Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in godkaan uu horseedi karo in ay helaan magaalo qadiimi ah oo dhulka hoostiisa ku taalla.

Godka ayaa laga helay degmadda Tomarza, iyadda oo ay sii socon doonto shaqadda qoditaanka illaa iyo hadafka laga gaarayo.

Balac ahaan godka oo dhan yahay hal mitir ayaa muuqaal ahaantiisu waxa uu yahay mid afar geesood ahaan u qodon.

Booliska oo goobta la geeyay ayaa gebi ahaanba xayiray isu socodka, xili shacabka la faray in aysan tegi karin halkaasi.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii magaalo dhulka hootiisa ku taala laga helay isla gobolkaan, taasi oo wax naadir ah.

Magaalooyinka ku yaala dhulka hoostiisa ayaa waxaa sameeya dadkii hore, kuwaasi oo gabaad kaga dhiganayey cadowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM