Maalqabeen malaayiin ku bixinaya si uu daaqada uga saaro Trump

Image

NEW YORK, US – Michael Bloomberg ayaa Axadda maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu kusoo biirayo tartanka doorashadda madaxtinimadda Mareykanka.

Ninkaan oo ka tirsan Dimoqraadiga waa kamid ah maalqabeenadda ugu caansan waddankaas, isaga oo horey soo noqday duqa magaaladda New York.

Fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu shaaca kaga qaadey in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu afka ciidda ugu dari lahaa Donald Trump.

Bloomberg ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeya ee ka tirsan Dimoqraadiga ee xili dambe kusoo biira ololaha xoogan ee haatan socda.

"Waxaan ugu baratamayaa madaxweynaha si aan uga badiyo Donald Trump dibna ugu dhiso Ameerika," ayuu hadalkiisa u dhigay.

Halheyskiisa caan baxay ee uu bulshadda la hortago mar walba ayaa wuxuu yahay "sameeyaha mushkilada iyo xaliyaha – maahi af ka noole".

Gudoomiyihii hore ee ismaamulka Massachusetts, Deval Patrick, ayaa kamid ah shaqsiyaadkii u dambeeyay ee murashaxnimadooda iclaamiyey.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta gudaha, Bloomberg ayaa balanqaadey in uu ololihiisa ku bixin doono 37 milyan oo Doollar si uu daaqadda uga saaro Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM