Maalqabeen malaayiin ku bixinaya si uu daaqada uga saaro Trump

Image

NEW YORK, US – Michael Bloomberg ayaa Axadda maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu kusoo biirayo tartanka doorashadda madaxtinimadda Mareykanka.

Ninkaan oo ka tirsan Dimoqraadiga waa kamid ah maalqabeenadda ugu caansan waddankaas, isaga oo horey soo noqday duqa magaaladda New York.

Fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu shaaca kaga qaadey in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu afka ciidda ugu dari lahaa Donald Trump.

Bloomberg ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeya ee ka tirsan Dimoqraadiga ee xili dambe kusoo biira ololaha xoogan ee haatan socda.

"Waxaan ugu baratamayaa madaxweynaha si aan uga badiyo Donald Trump dibna ugu dhiso Ameerika," ayuu hadalkiisa u dhigay.

Halheyskiisa caan baxay ee uu bulshadda la hortago mar walba ayaa wuxuu yahay "sameeyaha mushkilada iyo xaliyaha – maahi af ka noole".

Gudoomiyihii hore ee ismaamulka Massachusetts, Deval Patrick, ayaa kamid ah shaqsiyaadkii u dambeeyay ee murashaxnimadooda iclaamiyey.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta gudaha, Bloomberg ayaa balanqaadey in uu ololihiisa ku bixin doono 37 milyan oo Doollar si uu daaqadda uga saaro Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM