Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia
JEDDAH - Hogaamiyeyaasha dalalka Khaliijka ayaa isugu tagay dalka Sacuudi Carabiya si ay uga tashadaan dhibaatada gobolka ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan. Kani waa kulankii ugu horreeyay ee ay madaxdu fool-ka-fool u yeeshaan tan iyo markii uu dagaalku qarxay laba bilood ka hor.
Dhaxal-suugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa magaalada Jeddah kusoo dhoweeyay madaxda ka socotay waddamada Qadar, Baxrayn iyo Kuwayt. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kulanka ka dib sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo wadahadalka si loo helo waddo diblamaasiyadeed oo lagu badbaadinayo amniga gobolka.
Waddamada GCC ayaa si gaar ah u dalbaday in dib loo furo marinka Strait of Hormuz, kaas oo muhiim u ah saadka tamarta adduunka balse xirnaa intii uu dagaalku socday.
Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli ay Imaaraadku ku dhawaaqeen inay ka baxeen ururka OPEC+, iyo iyadoo dowladda Qadar ay ka digtay in khilaafkani uu isu beddelo mid raaga oo aan xal laga gaarin.
GAROWE ONLINE